
34 jirkaan ayaa hal sanno ay uga hartay qandaraaskiisa haatan, lakiin waxa uu rajeynayaa in kooxda ay u imaan doonto oo ay ka saxiixi doonto inta ka dhiman mustaqbalkiisa ciyaareedkan, isagoo meesha ka saaray inuu ka tagayo Stamford Bridge.
“Waxaan diyaar u ahay inaan la fariisto oo la hadlo Chelsea mar kasta oo ay doonayaan” ayuu Lampard u sheegay Daily Mail.
“Waqti fiican ayaa igu soo maray intii aan u ciyaarayay Chelsea, waxaana rajeynayaa inaan ku sii negaan doono. Waxaan jeclaan lahaa inaan mustaqbalkeyga ciyaareed halkaas ku dhameysto islamarkaana aan sii wado howshii aan kooxda u hayay 10kii sanno ee u danbeysay”.
“Waxan hubaa oo aan dareemayaa in wax ka badan hal sanno ay igu hartay. Waxaan dareemayaa inaan sannado kale sii ciyaari karo kubad heer sarre ah. Taam ayaan ahay waana caaboonahay”.
“Chelsea waxa ay mar waba noqon doontaa kooxdeyda wax walba oo dhaca haatan oo ku aadan maalmaheyga aan garoonak ku jiro”.