
Inkastoo ay yihiin dad isku dhow, islamarkaana Lampard uu ka soo hoos ciyaaray Redknapp markii uu joogay West Ham United, haatan waxa uu tababare u yahay kooxda Tottenham kuwasoo ku dhameystay Premier League kaalinta 4aad islamarkaana ku sii jeeda Champions League xilli ciyaareedka soo socda.
Si kastaba, hadii Chelsea ay berrito ku guuleysato Champions League iyada ayaa kala baxeysa booska afaraad ee Champions League ee England kooxda Tottenham kuwasoo ka qeybgeli doono markaas Europa League.
Redknapp ayaa sheegay isbuucaan inuu rajeynayo in laga badiyo Chelsea, waxaana Lampard uu ku kaftamay inuusan ka fileynin adeerkiis inuu wax kale yihaardo.
“Waa ogahay inuu sidaas yiri. Lakiin hadii uu wax kale sheegi lahaa, laba goorba ma aanan aamineen” ayuu ciyaaryahanka khadka dhexe ee England u sheegay wariyayaasha.
“Waa wax la fahmi karo waxa uu yiri marka la fiiriyo xaalada uu ku jiro iyo kooxdiisaba”
Inkastoo laga yaabo inuu niyad jab ku rido adeerkiis, Lampard ayaa diirada waxa ay u saaran tahay inuu badiyo finalka Allianz Arena, islamarkaana u dabaaldego habeenkii ugu weynaa ee soo mara taariikhda 107 sanno ah ee Chelsea.
“Chelsea waxa ay u noqon doontaa wixi ugu weyn ee ay taariikhda ku guuleysato. Waxaa inaga maqan ciyaaryahano soo bandhigay qaab ciyaareed aad u fiican xilli ciyaareedkan. Waxaan qabaa in talaabo kasta ay aheyd wax weyn oo inoo soo hoyday, kulamadii Barcelona, iyo sidii aan ku soo marnay Napoli. Waxa ay noqon doontaa wixii ugu fiicnaa ee ay Chelsea ku guuleysato hadii aan badino”.