
Redknapp ayaa Spurs laga ceyriyey isbuucii lasoo dhaafay, xilli Chelsea ay sabab u noqotay in Spurs ay weyso booskeeda Champions League madaama ay kaalinta afaraad ku dhameysteen, lakiin Blues ayaa ka qeybgeli doonta Champions League madaama ay qaadeen koobka ugu qiimaha badan kooxda Yurub taasoo keentay in Spurs ay ka ciyaari doonto Europa League.
Lampard oo habar yartiis ay u dhaxdo Harry Redknapp ayaa sheegay inuu ka xun yahay inuu waayo shaqada kooxda Tottenham.
“Aad ayaan uga xumahay waxa ku dhacay Harry, gaar ahaan guusheydii ugu weyneyd ee kubada cagta oo ku noqotay nasiib xumo”.
“Wuu u qalmay inuu ciyaaro Champions League. Isaga iyo Spurs waxay ku dhameysteen kaalinta Afaraad. Waana sababta aan weli u la shoogsanahay wixii dhacay”.
“Qaar ka mid ah saaxiibadeey waa taageerayaal Spurs ah, aad ayayna uga xun yihiin arintaan”.
“Waxa ay xusuustaan mar xaladii ay ku sugaaneeyn markii ay dhulka jiifeen oo uu ka soo qaaday Harry. Waxaana ay isku bedeleen koox ciyaareysa Champions League iyo tartamo sar sarre”.
“Wuxuu qabatay shaqo la yaab leh. Dad badan ayaa ka hadlaayey inuu ku wanaagsan yahay inuu qabto shaqada xulka qaranka England.
“Wuxuu u qalmaa in aqoonsi loo muujiyo. Xaqiiqdii uma uusan qalmin inuu waayo shaqadiisa”.