
Lionel Messi iyo Gonzalo Higuain ayaa daqiiqado gudaheed labada gool u dhaliyay xulka Argentina ciyaarta oo socota kaliya nusa saac, waxaana ciyaaryahankiiba haatan uu isreebreebka koobka adduunka ka dhaliyay todoba gool, iyadoo Chile ay gool soo ceshatay dhamaadkii ciyaarta.
Argentina ayaa 20 dhibcood ku hogaamineysa isreebreebka koobka adduunka ee Latin America, iyagoo seddex dhibcood ka sareeya Ecuador kuwaasoo barbaro 1-1 ah la galay Venezuela, waxaana ay afar dhibcood ka sareeyaan Colombia, kuwaasoo hal kulan uu u harsan yahay.
“Waxaan heysanaa weeraryahano waa weyn oo caadiyan aan cafineynin wax qalad ah. Argentina qatar ayay ku ahaayeen dhameystirkooda” ayuu yiri tababaraha Argentina Alejandro Sabella.
Kulamada kale ee dhacay Bolivia ayaa 4-1 ku quusisay xulka Uruguay, halka Paraguay 1-0 ku dirtay Peru.