
Tababaraha 49 jirka ayaa sii shiday xiriirka aan wanaagsaneyn ee ka dhaxeeya labada kooxood mudadii uu kooxda Madrid joogay, iyadoo kulamadii ugu danbeeyay ee El Clasico ay ahaayeen kuwa mar walba muran iyo isqabqabsi uu hareeynayay.
Si kastaba, Messi ayaa shaaca ka qaaday in tababaraha reer Portugal uu qabsanayay kaliya howshiisa, halka uu sidoo kale amaanay dhigiisa Cristiano Ronaldo, iyo saaxiibkiisa David Villa, isagoo meesha ka saaray in Villa iyo isaga uu qilaaf ka dhaxeeyo.
“Mourinho waa tababare fiican kaasoo qabsada shaqadiisa. Si la mid ah Cristinao Ronaldo, oo ah ciyaaryahan weyn” ayuu Messi u sheegay todo-barcelona.net.
“Villa sidoo kale waa ciyaaryahan weyn oo qofna aysan ku qaldami karin.”