
Kooxda Tito Vilanova ayaa hogaanka qabatay daqiiqadii 20aad markii gool uu u dhaliyay David Villa kaasoo dhameystiray kubad uu u soo dhigay Fabregas, halka Messi uu qool qurux badan ugu labeeyay iyadoo goolkaas uu ahaa goolkiisii 300 ee 422 kulan rasmi ah oo u uu saftay kooxdiisa Barcelona iyo xulkiisa Argentina.
Laakiin Barca ayaysan ciyaarta u sahlanaanin iyadoo Rayo ay dagaalantay, waxaana ay qasaariyeen fursado waa weyn, iyadoo mararka qaar uu Victor Valdes ahaa goolhayaha mashquulsan, ciyaartii ka dhacday banaanka Madrid.
Goolal soo daahay oo ay kala dhaliyeen Xavi, Fabregas iyo gool kale oo uu dhaliyay Lionel Messi ayaana ciyaarta hurdo u dirtay.
Barca ayaa sii dheereysatay farqiga goolasha ee ay ka sareyso Atletico Madrid kuwaasoo u baahnaan doona inay maanta kaga badiyaan 7 gool kooxda Osasuna hadiiba ay rajo ka leeyihiin inay hogaanka qabtaan.
Barca ayaa haatan leh 25 dhibcood, halka Atletico Madrid oo aan ciyaarin weli ay leedahay 22 dhibcood.
Dhanka kale kooxda Valencia ayaa guuldarro xanuun leh ay ka soo gaartay Real Betis oo ay marti u ahaayeen, waxaana looga badiyay 1-0, iyadoo Betis ay goolka uga mahadcelineysa Sevilla.
Espanyol iyo Malaga ayaa ku kala baxay barbaro goolal la’aan ah, halka Celta Vigo iyo Deportivo La Coruna ay iyagana isku macsalaameeyeen barbaro 1-1 ah.