
Barcelona ayaysan waqti dheer ku qaadan inay hogaanka u qabtaan ciyaarta, iyadoo kubad uu u dhiibay Iniesta saaxiibkiisa khadka dhexe Fabregas uu isna u dhex bixiyay daafaca Jordi Alba kaasoo isna shabaqa ku hubsaday daqiiqadii 3aad.
Afar daqiiqo ka dib xiddiga Barcelona Lionel Messi ayaa kubad qatar ah u dhigay laacibka da’da yar Christian Tello kaasoo isna goolhayaha ka hoos bixiyay, islamarkaana u labeeyay kooxdiisa.
Daqiiqadii 17aad ayay hadana mar kale Barcelona heshay gool kale, ka dib markii Fabregas uu kubad cirib ah u reebay Messi, kaasoo isna meel sarre shabaqa ka geliyay, islamarkaana hogaanka Barcelona ka dhigay 3-0.
Iyadoo ciyaarta la sadaalinayay in lagu kala baxay, ayaa rigoore muran uu ku jiro waxaa laga dhigay Mascherano, iyadoo rigooradaas uu u dhaliyay kooxda Deportivo La Coruna ciyaaryahan Pizzi daqiiqadii 26aad.
Deportivo ayaana ciyaarta ku soo laabatay daqiiqadii 34aad markii Alex Bergantiños uu goolkii labaad u dhaliyay ciyaartana ka dhigay 3-2.
Messi ayaana mar kale shabaqa soo taabtay daqiiqadii 41aad islamarkaana u dhaliyay Barcelona goolkii afaraad, waxaana caawiye ka ahaa Fabregas iyadoo qeybtii hore lagu kala nastay 4-2 oo Barcelona hogaanka ku heysay.
Fabregas ayaa ah ciyaaryahankii ugu horeeyay xilli ciyaareedkan La Liga ee caawiye ka noqda seddex gool hal ciyaar kaliya.
Qeybtii labaad ayaana Deportivo ay mar kale soo laabatay markii Pizzi uu goolka seddexaad u dhaliyay oo ahaa laad xor ah oo uu meel qatar ah ka dhaliyay, waxaana uu ciyaarta ka dhigay 4-3
Barcelona ayaana wax yar ka dib goolkaas noqotay 10 ciyaaryahan ka dib markii jaalihiisii labaad uu qaatay Mascherano oo casaan ku baxay.
Messi ayaa isna muuqday inuu seddexleydiisa dhameystiranayo markii uu laad xor ah oo uu tuuray ay birta ka beenisay.
Laakiin Messi seddexleydiisa waa uu dhameystirtay daqiiqadii 77aad isagoo kubad si qatar ah u dhameystiray.
Waa seddexleydiisa ama hat-trick-giisii 21aad ee intii uu Barcelona u ciyaarayay.
Daqiiqad ka dibna daafaca Barcelona Jordi Alba ayaa shabaqa iska geliyay kubad uu doonayay inuu bixiyo taasoo ciyaarta ka dhigtay 5-4. Iyadoo ciyaarta ay aheyd mid la yaab leh oo marna aan la sadaalineynin in sagaal gool ay ka dhalan doonto.
Barcelona ayaa guul ku gaartay 5-4, iyagoo sii dheereystay hogaankooda horyaalka, waxaana ay 8 dhibcood u jiraan mar kale kooxda Madrid oo ay xafiiltamaan oo goor sii horeysay 2-0 kaga badisay Celta Vigo.
Lionel Messi ayaa haatan ku hogaaminaya gooldhalinta La Liga 11 gool halka Ronaldo uu leeyahay sagaal gool, Falcao ayaa isna leh 8 gool.
Dhinaca kale kooxda Malaga oo ku jirta kaalinta 3aad oo leh 17 dhibcood ayaa 2-1 kaga soo talaabsatay kooxda Valladolid. Waxaana labada gool u dhaliyay Isco iyo Joaquin, halka Valladolid casaan laga qaatay.
Kooxda Valencia oo kaalinta 8aad ku jirta ayaa iyadana 3-2 kaga badisay Athletic Bilbao ciyaar xiiso laheyd oo ka dhacday Mestalla Stadium.
Aduriz ayaa hogaanka u dhiibay Bilbao, ka hor inta uusan rigoore ku barbareyn Soldado, Aduriz ayaana mar kale hogaanka ku soo celiyay kooxdiisa.
Herrera ayaana casaan toos ah ka qaatay Bilbao, taasoo u sahashay in Valencia ay labo gool dhaliyaan dhamaadkii ciyaarta, iyagoo uga mahadcelinaya Costa iyo Valdez.