
maleyn jireen inuu ahaa doqon.
Xiddiga kooxda Barcelona ayaa guulo waa weyn ku hogaamiyay kooxda reer Catalan, lakiin
awoodiisa garoonka iyo xiddignimadiisa waxaa su’aal ka keenay saaxiibadiisa
markii uu ku jiray akadeemiga La Masia.
“Cesc Fabregas ayaa ii sheegay markii aan yaraa inaan ahaa mid iska aamusan, waxaana
ay ii maleyn jireen inaan ahay doqon” ayuu 25 jirkaan u sheegay majalada ka soo
baxda Hungari ee Kepes Sport.
“Haatan waan furfuranahay, xishoodna kuma muujiyo qolka labiska sidii aan ku ahaa La
Masia oo kale”.
Ciyaaryahanka reer Argentine ayaa sheegay inuusan daawan xitaa hal kulan oo ka mid ah Euro
2012, sidoo kalena waxa uu shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay hadaladii ka
soo yeeray Neymar oo dhawaan ku tilmaamay xiddiga Barcelona ciyaaryahanka
adduunka ugu fiican.
“Aad ayaan uga mahadcelinayaa hadalada uu iga yiri Neymar. Waa ay fiican tahay marka
uu ciyaaryahan kale hadaladaas kaa yiraahdo” ayuu hadalkiisa raaciyay.