
Messi oo haatan ku sugan caasimada Colombia ee Bogota halkaas oo uu jimcihii kaga qeyb qaadanayay ciyaar kaalmo lagu uruurinayo, ayaa taageero u muujiyay La Roja oo haatan wareega 8da la ciyaari doonta xulka Le Blues.
“Waan qiranayaa lama socdo ciyaaraha qaramada Yurub, mana lihi koox aan dhihi karo waa ay ugu cadcadahay. Lakiin waxaan jeclaan lahaa in Spain ay ku guuleysato madaama aan saaxiibo halkaas ku leeyahay” ayuu Messi u sheegay suxufiyiinta.
Xiddiga reer Argentina ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay hadalka Cristiano Ronaldo oo dhawaan ku eedeeyay Messi qaab ciyaareedkiisii Copa America 2011, si kastaba Messi ayaa doortay inuu ka gaabsado arintaas.
“Arinta la xiriirta waxa uu Cristiano yiri…. Runta waxa ay tahay ma jiraan wax aan ka oronayo”.
Ciyaarta kaalamada lagu uruurinayay oo ka dhacday El Campin ayaa waxa ay u dhaxeysay “saaxibada Messi iyo xiddigaha kale ee adduunka, waxaana ay ku dhamaatay 6-6 iyadoo ay ka qeyb qaateen Dani Alves, Robinho iyo Diego Forlan.