
Goolka guusha ayaa dhashay 12 daqiiqo markii ay ciyaarta ka dhineyd markaasoo karoos uu keenaty Martin Kelly uu shabaqa iska geliyay daafaca Webster, waxaana ay ku aheyd niyadjab daafaca iyo kooxdiisa kuwaasoo ciyaar adag la ciyaaray Liverpool.
Fabio Borini ayaa hogaanka u dhiibi karay Liverpool ka hor dhamaadkii qeybta hore markaasoo kubad ay isku dhiibeen isaga iyo Raheem Sterling uu birta ku dhuftay, waxaana ay haatan noqotayba calaamad in lagu garto kubada birta iyo Liverpool.
Reds ayaa kulankaan nasasiisay inta badan ciyaartoydeeda waa weyn sida Steven Gerrard, Luis Suarez, Martin Skrtel iyo Glen Johnson iyagoo isha ku haya kulanka axada Anfield ee ay la ciyaaraan Manchester City, waxaana ku soo bilowday ciyaaryahano da’ yar sida Jonjo Shelver, Jordan Henderson, Raheem Sterling iyo Jack Robinson.
Lugta labaad ayaa todobaadka soo socda waxa ay ka dhici doontaa garoonka Anfield iyadoo Liverpool haatan ku dhow inay u soo baxdo wareega group-yada ee Europa League.
Dhinaca kale Javier Zanetti ayaa ciyaaray kulankiisii 800aad ee Inter Milan xilli ay kooxdiisa 2-0 kaga badisay kooxda reer Romania ee Vaslui lugta hore ee Europa League Play Off.
39 jirkaan ayaa mustaqbalkiisa ciyaareed ee Inter Milan bilaabay 17 sanno ka hor, isagoo ciyaaray guushii 1-0 ee Serie A ee ay Inter ka gaartay Vicenza 27kii August 1995kii.
Wixii xilligaas ka danbeeyay waxa uu ku guuleystay shan horyaal, afar Coppa Italia, hal Champions League, hal UEFA Cup iyo hal Club World Cup.
Ciyaaryahanada ay isku wadanka yihiin Zanetti Esteban Cambiasso iyo Rodrigo Palacio ayaa goolasha Inter u dhaliyay kulankii xalay.