
Kooxda Napoli oo iyadu awood weyn ku lahayd horyaalka Talyaaniga ayaa 3-0 waxaa ugaga badisey kooxda PSV Eindhoven iyagoo ku wada jira guruubka F. Kooxda Liverpool oo garoonkeeda Anfield lagu ciyaaray ayaa waxaa loogaga badiyey 3-2 kadib markii ay ay kooxda Udinese ay u soo martisey.
Hogaanka ciyaarta ayaa waxaa qabtay Liverpool oo ciyaaryahanadeeda muhiimka ahaa keydka la geliyey. Hase yeeshee qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa kooxda Udinese 3 gool oo xiriir ah ay dhalisey iyadoo mid kamid ah ay iska dhaliyeen ciyartoyda Liverpool.
Balse kooxda NewCastle ayaa 3-0 waxa ay ku sagootisey Bordeaux oo marti u ahayd. Kooxda xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay koobkan ee Atletico Madrid ayaa iyadana 1-0 waxay ugaga badisey kooxda Viktoria Plzen, haddaba natiijooyinka kulamadii la ciyaaray ayaa waxa ay noqdeen sidan;
Group A
Anji Makhachkala 2 – 0 Young Boys Bern
Liverpool 2 – 3 Udinese
Group B
Academica Coimbra1 – 1Hapoel Tel Aviv
Atletico Madrid1 – 0Viktoria Plzen
Group C
Marseille5 – 1AEL Limassol
Monchengladbach2 – 4Fenerbahce
Group D
Brugge2 – 0Maritimo
Newcastle U.3 – 0Bordeaux
Group E
Molde2 – 0Stuttgart
Steaua Bucuresti1 – 0FC Copenhagen
Group F
Stockholm2 – 3Dnipro D’petrovsk
PSV Eindhoven3 – 0Napoli