
Tababaraha reer Scotland ayaa la ceyriyay xalayto ka dib 12 bilood markii uu seddex sanno heshiis ah saxiixay, iyadoo milkiilayaasha Liverpool ay u arkeen wax aan la aqbali karin in kooxda ay ku dhameysato kaalinta 8aad ee horyaalka Premier League.
“Shaqadeena haatan waa inaan shaqaaleysiinaa ninka saxda ku ah kooxda islamarkaana hore u qaadi kara aasaaskii cuslaa ee aan dhisnay 18kii bilood ee u danbeysay” ayuu yiri Milkiilaha kooxda John Henry.
Dalglish ayaa ka soo horjeestay sida ay wax u arkeen isagoo farmuuqay inuu kooxda u qaaday koobkoodii ugu horeeyay ee muddo lix sanno ah, islamarkaana uu gaarsiiyay finalka FA Cup, lakiin milkiilayaasha Mareykanka ayaan wax jixinjix ah u muujinin 61 jirkaan ay aadka u jecel yihiin taageerayaasha Anfield.
Waxaana ay sheegeen in 17 dhibcood oo laga danbeeya kooxda kaalinta 4aad ee Tottenham inay tahay wax aan la aqbali karin islamarkaana u baahan in isbedel la sameeyo.
Ilaa iyo haatan waxaa Liverpool lala xiriiriyay tababarahoodii hore Rafael Benitez, tababarahii hore ee Chelsea iyo Porto Andre Villas-Boas, macalinka kooxda Newcastle Alan Pardew iyo tababaraha kooxda Wigan Roberto Martinez.