
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa Liverpool kaga soo biiray Blackpool xagaagii hore, lakiin xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee Anfiled si fiican ugama uusan muuaqan, waxaana laga yaabaa inuu kursiga keydka fariisto hadii Reds ay Swansea kala soo wareegto ciyaaryahan Joe Allen.
Tababaraha Liverpool ayaa hore u xaqiijiiyay inay wax ka weydiiyeen Fulham xaalada Dempsey, lakiin waxaa la fahamsan yahay in Liverpool ay si rasmi ah ugu dhaqaaqi doonto Dempsey marka ay meel saaraan mustaqbalka Andy Carroll.
Fulham ayaa laga yaabaa in lagu soo jiito ciyaaryahan kala bedelashadaan oo ay la socon karto lacag kaash ah.