
Rodgers ayaa ka careysnaa sida maamulka kooxda ay ugu guuldareysteen in maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga ee xagagii ay soo iibiyeen weeraryahan cusub, waxaana uu haatan sii calaamadeystay ciyaartoyda uu doonayo inay booska kula tartamaan Luis Suarez iyo Fabio Borini.
Sturridge iyo Walcott oo labadoodaba ah 23 jir ayaan ku faraxsaneyn kooxahooda Chelsea iyo Arsenal, laakiin wargeyska Sunday Mirror ayaa sheegaya in heshiiska labada ciyaaryahan uusan mid sahlan u noqon doonin kooxda ka dhisan Anfield.
Iyagoo markii hore diyaar u ahaa inay Sturridge ku fasaxaan amaah, Chelsea ayaa haatan ku dooneysa 15 milyan ginni , si ay u kabaan lacagta ay ku dalban doonaan weeraryahanka Atletico Madrid Falcao.
Qandaraaska Walcott ayaa isna ku eg dhamaadka xilli ciyaareedkan, laakiin inkastoo 10 milyan ginni heshiis ah ay dan ugu jirto labada kooxood ee Arsenal iyo Liverpool, waxaa la aaminsan yahay in ciyaaryahanka uusan diyaar u aheyn inuu isagoo Champions League ka ciyaari kara ka doorbido Reds.
Kooxda lacagta badan ee Faransiiska PSG ayaa u muuqata meesha ugu haboon ee uu u dhaqaaqi doona hadiiba uu go’aansado inuu ka tago Emirates.
Weeraryahanka PSV Jurgen Locadia oo 18 jir ah ayaa ah ciyaaryahan kale oo uu doonayo tababaraha Reds Brendan Rodgers.