
Wadahadalada labada kooxood ayaa weli socda, waxaana warkaan uu soo baxayaa ka dib markii tababaraha Reds uu sheegay in isbuucaan ay kooxda soo gabagabeyn doonto saxiixa hal ciyaaryahan ama labo ciyaaryahan.
Kooxda Merseyside ayaa lala xiriiriyay ciyaartoy dhowr ah oo uu ku jiro Daniel Sturridge, iyo ciyaaryahankii dhawaan ku biiray Tottenham Gylfi Sigurdsson, lakiin Borini ayaa noqon kara saxiixa ugu horeeya ee Rodgers ee kooxda Liverpool.
Weeraryahankan 21 jirka ah oo dhawaan ay Roma la wada wareegtay xuquuqda lahaashihiisa ayaa xilli ciyaareedkii hore ka dhaliyay sagaal gool Serie A, waxaana uu Rodgers kula soo shaqeeyay akadeemiga Chelsea, iyo markii uu amaahda ku joogay Swansea.