
Del Piero oo soo gabagabeeyay 19kii sanno ee uu la joogay Juventus ayaa ah haatan ciyaaryahan beeca xorta ah saaran, waxaana la filayay inuu ku biiro kooxda Sydney si uu noqdo saxiixii ugu weynaa ee kubada cagta Australia.
Si kastaba, guuldaradii ay ku guuldareysatay Liverpool inay weeraryahan la soo wareegto maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga ayaa keentay inay raadiyaan ciyaaryahan xo ah oo ay ku kaabaan Suarez iyo Borini.
Reds ayaan dalab u soo bandhigtay 37 jirkaan, kaasoo 208 gool u dhaliyay Juventus 513 kulan oo uu u ciyaaray, Del Piero ayaa la filayaa inuu maanta shir jaraa’id oo uu ku qabanayo Turin uu kaga dhawaaqo go’aankiisa.
Si kastaba madaxa kooxda FC Sydney Tony Pignata ayaa weli rajo ka qaba in ciyaaryahanka reer Italy uu u dhaqaaqi doono Australia.
“Liverpool ayaa nagula soo biirtay tartankiisa… waana koox weyn, cidna ma beenineyso taas,” ayuu Pigata u sheegay Fox Sports.
“Lakiin soo jiidashadiisa Australia ayaa inaga caawin karta tartankiisa.
“Weli kalsooni ayaan ku qabaa lakiin ilaa iyo inta aan ka saxiixno warqadaha ma ogaan kartid sida xaalada noqoneyso. Waxaan sameynay wax walba oo aan awoodno oo aan heshiiskaan ku soo gabagabeyn karno.”