
Fulham ciyaaryahankooda weerarka ka ciyaara Clint Dempsey.
Fulham ayaa sheegtay in ciyaaryahanka uusan iib ka aheyn, islamarkaana ay rajeynayaan
in 29 jirkaan ay ka saxiixaan heshiis cusub.
Si kastaba Rodgers ayaa u sheegay website-ka Liverpool inay xiisaneyeen inay
ciyaaryahanka keenaan Anfield.
“Clint waa ciyaaryahan aan xaaladiisa wax ka weydiinaya kooxda Fulham. Agaasimaheena
maamulka Ian Ayre ayaa la hadlay booska ay kooxda ka taagan tahay ciyaaryahanka.
Halkaas ayaana joognaa haatan” ayuu yiri.
“Waa ciyaaryahan tayo leh lakiin ma dooneyno inaan ka hadalno ciyaaryahan ay koox
kale iska leedahay”.
Rodgers ayaa sidoo kale ka hadlay mustaqbal Andy Carroll oo lala xiriiriyay inuu amaah
ugu laabanayo kooxdiisii hore Newcastle.
“Wax badan ayaa la qoray oo laga hadlay Andy Carroll, marka ugu horeysa Andy waa
ciyaaryahan Liverpool ah” ayuu yiri Rodgers.
“In la texgeliyo in amaah lagu diro ciyaaryahan ay kooxda ku qarashgareysay 35
milyan ginni waa wax aanan haatan dooneynin inaan sameyno”.
“Andy waxa uu la mid noqon doonaa sida ciyaar kasta, hadii uu yimaado dalab isaga ku
aadan, waxaana u fiirin doonaa koox ahaan, hadii dalabkaas uu u qalmo kooxdana
dan ugu jirto”