
Liverpool ayaa xalayto ku dhawaaqday heshiiska ciyaaryahanka, lakiin waxaa ka dhinaa inuu maro tijaabada caafimaadka iyo inuu heshiis shaqsi ah la gaaro kooxda, taasoo oo uu maray maanta oo jimce ah.
Ciyaaryahanka ayaa saxiixay heshiis waqti dheer sida ay sheegtay kooxda, waxaana uu noqday saxiixii seddexaad ee tababare Brendan Rodgers ka dib Joe Allen iyo Fabio Borini.
“Waan ku faraxsanahy inaan u ciyaaro kooxdaan weyn” ayuu yiri Assaidi.
“Markii ugu horeysay ee aan la hadlay tababaraha waxaan dareemay rajo fiican”
Assaidi oo 24 jir ah ayaa dhaliyay 10 gool xilli ciyaareedkii hore isagoo khad dhexe ah, waxaana uu bedel toos ah u yahay Maxi Rodriguez kaasoo ku laabtay Argentina.
Waxa uu ku dhashay Morocco lakiin waxaa uu ku soo barbaaray Holland, waxaana ciyaaryahanka garabka ka ciyaara uu 22 kulan u saftay dalkiisa Waqooyiga Afrika ku yaala.
Waxa uu Liverpool u xiran doonaa maaliyada Number 11.