
Madaxda Anfield ayaa doonaya in meelo badan ay wax ka fiiriyaan inta ay ku jiraan raadinta ninkii bedeli lahaa Kenny Dalglish, iyagoo liiskooda ku soo darsaday Guardiola iyo tababarihii hore ee England Fabio Capello. Waxa ay sidoo kale si rasmi ah ugu dhaqaaqeen Roberto Martinez iyo Brendan Rodgers oo tababare u kala ah Wigan iyo Swansea.
Gudoomiyaha Wigan Dave Whelan ayaa ogolaansho u siiyay Liverpool inay la hadli karaan tababarahooda Martinez, kaasoo lagu soo waramayo inuu safka hore kaga jiro liiska ay gacanta ku hayaan milkiilayaasha Liverpool.
Fabio Capello ayaa isna laga yaabaa inuu ku soo laabto England.
Liverpool ayaa cadeysay in Martinez iyo Rodgers kaliya aysan aheyn raga u sharaxan shaqada ka banaan, islamarkaana aysan ku degdegi doonin wax go’aan ah.
Milkiilayaasha waxa ay doonayaan inay soo uruuriyaan aqbaaraad badan intii macquul ah ka hor inta aysan helin nin ku wanaagsan shaqada Anfield.
Guardiola ayaa diyaar ah ka dib markii uu go’aansaday inuu muddo sannad ah ka nasto kubada cagta, ka dib markii guulo waa weyn uu la gaaray Barcel