
Moura ayaa lagu wadaa inuu maanta tijaabada caafimaadka u maro Manchester, ka hor inta uusan si rasmi ah uga soo dhaqaaqin kooxda Sao Paulo.
Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa haatan ku sugan England, isagoo xulkiisa Brazil kala qeybgalaya ciyaaraha Olimbikada adduunka ee lagu qabanayo dalkaas.
Tababare Sir Alex Ferguson ayaa ku negaaday England shalay, halka kooxdiisa ay u safartay Norway halkaasoo ay ciyaar saaxiibtinimo ku soo ciyaarayaan.
Tababaraha reer Scotland ayaa sidoo kale dooneya inuu cadaadis saaro isku daygiisa uu ku doonayo inuu Arsenal kala soo wareego kabtankooda Robin van Persie.
Labada kooxood ee Manchester iyo Sao Paulo midkoodna weli ma aysan xaqiijinin inay wax heshiis ah gaareen, hadalkii ugu danbeeyay ka soo baxa Sao Paulo waxa uu ahaa inay la hadleen United balse ay isku afgaran waayeen dalabkooda.