
Weeraryahankan aadka loo qiimeeyo ayay si fiican isku fahmeen saaxiibkiisa kale ee reer Brazil Ramires isagoo u barbareeyay ciyaarta kooxda Blues.
Wixii markaasi ka horeeyay, gool uu dhaliyay Nene qeybtii hore ee ciyaarta ayaa u muuqatay inay ugu filneyd kooxda Faransiiska inay guul gaaraan. Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa dhaliyay ka dib markii kubad birta kaga dhacday Javier Pastore uu aayar shabaqa u dhexdhigay.
PSG ayaa qeybtii hore ee ciyaarta fiicneyd, iyaga ayaana kubada inteeda badan heystay, islamarkaana u muuqday kuwa weerar ku hanjabaya.
Lakiin qeybtii labaad ayaa ciyaarta ay noqtay mid qabow madaama bedel aad u badan la sameeyay, waxaana ay ciyaarta dib u soo noolaatay 10kii daqiiqo ee ugu danbeysay, markaasoo labada kooxoodba ay heli kareen goolal ay guul ku gaari kareen.
Labada kooxood ayaa sii wadan doona booqashada ay ku marayaan Mareykanka, iyadoo Chelsea ay la ciyaari doonto arbacada xiddigaha horyaalka Mareykanka MLS All-Star, halka PSG ay wajihi doonto axada soo socotaya kooxda DC United.