
Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Manchester United ayaa dhaawac uu ka soo gaaray kulankii guuldarro 3-1 ah ay Portugal ka soo gaartay xulka Turkey sabtidii lasoo dhaafay.
Lius Nani ayaa sidaan oo kale dhawaac ku soo gaaray Janaayo isla lugta uu haatan ka dhaawacmay taasoo sababtay inuusan cagta soo dhigin garoomada muddo labo bilood ah.
“Nani tababarka ayuu qaatay shalay berrina wuu qaadan doonaa mar kale ka dib ayaana qiimeyn doonaa dhaawaciisa. Tani waa isla meeshii uu hadda ka kor dhaawac u kasoo gaaray,” tababare Paulo Bento ayaa sheegay xilli uu tababaruhu ku sugnaa Lviv oo ah halka ay kula ciyaari doonaan xulka Jarmalka.
“Waan arki doonaa ka dib tababarka berito [maanta] sida uu horumarka u sameeyey. Ciyaaryahan kale kaliya ee aanan hubin waa Nani”
25 jirkaani ayaa u ciyaaray xulkiisa Portugal 54 kulan isagoona u dhaliyey 13 gool.