
Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa sheegay shalayto inuu u dacwooday madaxda garsoorayaasha Mike Riley, isagoo u arko in kooxdiisa cadaalad darro lagula dhaqmay ciyaarihii u danbeeyay.
Waxa uu si gaar ah u soo qaatay rigoore sax aheyd oo uu sheegtay Suarez oo laga diiday kulankii Manchester United.
Laakiin Suarez ayaa yiri: “Waxaa jirta mararka qaar oo uu garsooraha go’aankiisa ku saxan yahay iyo mararka qaar oo uusan ku saxneyn, lakiin intaas oo dhan waxa ay qeyb ka tahay ciyaarta.
“Waxa ay dhacday ciyaarihii ugu danbeeyay, sida kulankii aan la ciyaarnay Manchester United markaasoo rigoore lagu igalay aan la ii dhihin, halka Antonio Valencia isna loo dhigay.
“Lakiin in laga hadlo waxba ma xalineyso, garsooraha waxa uu heystaa ilbiriqsiyo uu ku arko waxa dhacaya. Aan rajeyno inaysan mar danbe dhicin mustaqbalka.”