
Reds ayaa shalayto gaartay guushii ugu horeysay ee xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League, waxaana ay ku ciilbaxeen Norwich City oo ay ku dardareen 5-2, iyadoo xiddigooda Suarez uu ahaa ciyaaryahankii guusha ku hogaamiyay.
Suarez ayaa sidoo kale caawiye ka ahaa goolkii Sahin, waxaana uu sidoo kale kubad qatar ah madaxa u saaray Gerrard inkastoo kabtanka England iyo Reds uu qasaariyay fursadaas. Waxaa sidoo kale laga diiday kubad u muuqatay rigoore.
“Qaabka dhameystirkiisa waa mid aan caadi aheyn, marka laga reebo marka uu waji ka waji u wajahayo goolhayaha” ayuu Rodgers yiri isagoo dhoolacadeynaya ciyaarta ka dib.
Rodgers ayaa ku celiyay mar kale in Suarez uusan aheyn qiyaanoole islamarkaana uu yahay geesi, isagoo mar kale ku dooday in kooxdiisa laga beeniyay rigoore sax ah, madaama garsoorayaasha ay aamineen in Suarez uu qiyaanoole yahay.
Liverpool waxa ay haatan ku jirtaa kaalinta 14aad iyagoo leh shan dhibcood, lix kulan oo ay ciyaareen.