
dhici karta in la soo afjaro u wareegidiisa kooxda ka ciyaarta Spain inkastoo
labada koox ay weli xal ka gaari la’ yihiin qiimaha lagu kala wareegsanayo
laacibkan sida ay qortay shabakada Croatian ee 24sata.hr.
Shabakadan ayaa waxa ay qortay in Spurs ay ku dalbanayso afartan malyan oo Pound 26jirkaan
balse Madrid ayaa ku kalsoon in la soo gabagabayn doono wadahadalada dhowrka
maalood ee soo socda.
Ilo ku dhow Modric ayaa laga soo xigtey in wax walba la xalliyey Luka iyo
Madridna ay wax walba isku afgarteen.
Halka wararka laga helay ayaa waxa ay intaa ku darayaan in dhibaato yar ay weli ka
jirto dhinaca Tottenham balse wax walba la xallin doono dhowaan.
Tababaraha Bernabeu Jose Mourinho waxa uu si dhaqso ah ugu suurtogashay inuu guul ka gaaro
waxa ay kooxdiisii hore ee Chelsea xilli ciyaareedkii hore ay awoodi waayeen
inay sameeyaan.
11-bilood kahor Modric waxaa loo diidey in uu ka tago White Hart Lane inkastoo faa’ido
badan ay u ahayd kooxda ka heli kartay Stamford Bridge markii uu tababaraha ka
ahaa Spurs Harry Redknapp.
Redknapp ayaa la ceyriyey kadib markii kooxda Spurs ay hoos ugaga soo dhacday kaalinta
3aad ayna ku dhamaysatay kaalinta 4aad, hase ahaatee uma soo bixin inay ka
qeybgasho ciyaaraha Championka waayo Chelsea ayaa koobkii ku guuleysatay
booskaana buuxin doonta.
Andre Villas-Boas oo ahaa tababaraha Chelsea xilligaa markii uu Roman Abramovich uu
doonayay Modric ayaa haatan jecel inuu xejisto laacibiintiisa kooxda uu hadda ka
noqday macalinka ee Spurs hase ahaatee waxa aan suurtogal ahayn inuu celiyo
Modric.