26 jirkaan ayaa xagaagii lasoo dhaafay wuxuu qarka u sarnaa inuu ku biro kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.
Isagoo aragti ka bixinaayey mustaqbalkiisa ayuu sheegay inay lagama maarmaan tahay inuu go’aa gaaro inta ay furan tahay daaqadda kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga, laakiin Modric ayaa cadeeyey inay taasi noqoneyso ka dib marka laga soo laabto Poland iyo Ukraine.
“Go’aan ayaan ka gaari doonaa mustaqbalkeyga ka dib Euro 2012”ayuu u sheegay Daily Mirror.
“Waxaan sameyn doonaa go’aankeyga halka aan ka sii wadan doono xirfadeyda,waxaana diyaar u ahay tijaabooyin waa weyn.”ayuu ku daray.
Tottenham ayaa ka qeyb qaadaneysa xilli ciyaareedka dambe UEFA Champions League, balse rajadooda ayaa ku xiran finalka Munich,
iyadoo hadii ay Chelsea ku guuleysato Champions league-ga buuxin doono booska afraad ee loogu soo baxo Koobka Kooxaha Yurub.