
Warkaas ayaa ah aragtida Modric saaxiibkiisa ahaana ciyaaryahankii hore ee Croatia Mate Bilic kaasoo sheegtay in Manchester United iyo Chelsea ay sidoo kale ku jiraan tartanka 26 jirkaas.
“Saaxiibo fiican ayaan nahay aniga iyo Modric” ayuu weeraryahanka Sporting Gijon yiri. “Waxa uu doonayaa inuu ka ciyaaro horyaalka Spain. Waa uu jecel yahay Premier League lakiin waxa uu doonayaa inuu ka ciyaaro Spain. Waxaana uu ku dhow yahay inuu ogolaado inuu halkaas u dhaqaaqo”.
Waxaana warkaas uu imaanayaa iyadoo Real Madrid ay isku diyaarineyso inay dalbato Modric, waxaana xiddigii hore ee Croatia iyo Real Davor Suker uu isna sheegtay in ninka reer Tottenham inuu ku fiican yahay inuu noqdo galatico, waxaana uu isna sheegtay in Manchester City ay sidoo kale xiiseyneyso ciyaaryahanka.
United iyo Chelsea ayaa dagaal adag ugu jiray ciyaaryahanka, kaasoo doonaya inuu ka tago White Hart Lane oo uu raadsado meel uu ka ciyaari karo Champions League. Kooxda tababare la’aanta ah ee Spurs ayaanan dooneynin inay iska iibiyaan ciyaaryahankooda khadka dhexe, lakiin xagaagii labaad iskama indho tiri karaa dalabyada u imaanaya, xitaa hadii aysan jirin koox diyaar la ah lacagta ay ku doonayaan ee ah 35 milyan ginni.
Modric ayaa todobaadkan sheegay inay farxad gelineyso inuu maqlo warar la xiriirinaya kooxda Barcelona, inkastoo Barca aysan weli ka hadal hadii ay xiiseynayaan ciyaaryahanka reer Croatia.