
Modric ayaa lagu ganaaxay inuu seegay tababarka kooxda, isagoo cadaadis ku saarayay kooxda Tottenham inay dedejiso heshiiska la filayo inuu ugu wareego kooxda Real Madrid.
Ciyaaryahanka reer Croatia ayaa sidoo kale ka careysiiyay madaxda Tottenham iyo tababare Andre Villas-Boas ka dib markii uu ka baaqsaday tababarka kooxda islamarkaana uu qorsheynayay inuusan kooxda u la safrin Mareykanka.
Lakiin warbixin la soo dhigay website-ka Tottenham ayaa lagu yiri: “Kooxda waxa ay xaqiijineysaa in Luka Modric uu ku soo laabtay tababarka maanta [isniin]”
“Macalimiinta tababarka ayaa haatan u diyaarin doonaa qorshihiisa tababarka ee ka horeeya xilli ciyaareedka cusub.