
Subaxnimadadii sabtida ayaa caawiyaha tababaraha xulka Spain Paco Jimenez wuxuu daaha ka qaaday in kooxda reer Catalans ay isha la raacayaan 26 jirkaan u dhashay Croatia, Modric ayaana la filayaa inay xagaagan u tahay dhamaadkii afar sano oo uu ku sugnaa White Hart Line.
Markii wax laga weydiiyey wararka xanta ah, Modric ayaa ku jawaabay “Dabcan,waan jeclahay inaan maqlo sidaan oo kale,Laakiin hadda waxaan rabaa inaan dheelo ciyaaro badan oo wanaagsan taas ayaana iga dhigeysa in badan qatar”.
“Tani waa ciyaar taasoo aan dhamaateen kor ugu qaadi karo nafsadeheena. Waan iska dhaadhicinay inaan gaari karno wareega 8da.”
Dhaqdhaqaaqa ciyaarta isniinta,ayaa maqaal u noqon kara sida uu Modric kubada u la qeybsado ciyaartoyda qadka dhexe ee dalka Spain marka ay isku wajahaan PGE Arena oo ku yaala magaalada Gdansk, laakiin rajo fiican ayuu ka qabaa in ciyaaryahanada xulkiisu ay liddi ku noqdaan La Roja iyagoo abuuraya fursado cajiib ah si uu u dhameystiro ninka weerarka uga ciyaara Croacia Mario Mandzukic.
“Waxay inoo tahay tartan weyn inaan la ciyaarno xul sida Spian oo kale ah,“
“Dabcan way xakameyn doonaan boosaska waxayna na tusi doonaan sida aan ugu tiirsanahay iyaga.
“Si kastaba,cadaadis ayaan saareynaa qadka dhexe ee adag, waxaana isku deyeynaa inaan xirno aana goolal ka dhalino sida ugu macquulsan.”
Modric ayaa diirada u saaran kooxaha ugu waa weyn Yurub iyadoo xagaagii hore uu qarka u fuulay inuu ku biiro kooxda Chelsea hase yeeshee Spurs ayaa ka biyo diiday inay iska iibiyaan ciyaaryahanka. Si kastaba hada Manchester United ayaa dagaal kii ugu adkaa ugu jirta inay kasoo dhaqaajiyaan Tottenham ciyaaryahan Luka Modric.