
Gunners oo barbaro goolal la’aan ah soo gashay labadii kulan ee la soo dhaafay ayaa ciyaarta dardar ku gashay, waxaana qeybtii hore ay labada kooxood isla ciyaareen kubad ku dhisan weerar iyo weerar celis.
Lakiin waxaa Gunners hogaanka u dhiibay Lukas Podolski daqiiqadii 31aad ee ciyaarta markii uu baas ka helay Santi Cazorla isagoo dhanka bidix kubad ka dhigay goolhaye Reina.
Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay goolkaas Lukas Podolski oo ahaa goolkiisii ugu horeeyay ee Arsenal ee tartan rasmi ah, goolkaas ayaana ahaa goolkii ugu horeeyay ee Arsenal ay xilli ciyaareedkan ka dhaliso Premier League.
Bilowgii Qeybtii labaad ayaysan waxba isbedelin iyadoo labada dhinacba ay isku dayayeen inay abuuraan fursado, lakiin Arsenal ayaa hogaanka dheereysatay daqiiqadii 68aad, iyadoo Podolski uu abaalguday fursadii loo dhigay goolkii hore, waxaana uu markaan caawiye ka ahaa goolkii Santi Cazorla, iyadoo Pepe Reina oo qaban karay uu ku caawiyay kaliya inuu shabaqa ku sii hubsado.
Arsenal oo xilli ciyaareedyadii u danbeeyay aan wax guuldarro ah ka soo gaarin Anfield kulan Premier League ah ayaa guul ay u qalanto ka gaartay Liverpool, waana guushoodii ugu horeysay ee xilli ciyaareedkan iyagoo leh haatan 5 dhibcood.
Liverpool ayaa seddex kulan oo ay ciyaartay horyaalka xilli ciyaareedkan laga badiyay labo kulan oo ka mid ah halka hal kulan ay barbaro galeen.