
Warar ayaa soo jeedinayay in ciyaartoyda QPR ay diidi doonaan inay gacan qaadaan kabtanka Blues John Terry kaasoo lagu heysto inuu cunsurinimo ku aflagaadeeyay Anton Ferdinand.
Warbixin ay soo saartay Premier League ayaa lagu yiri: “Waxaa jiray wadahadal u dhaxeeyay Premier League, Queens Park Rangers iyo Chelsea oo la xiriira kulanka labada kooxood dhexmaraya.
“Dhinacyada oo dhan waxa ay ogsoon yihiin kana warqabaan in isgacanqaadka uu dhici doono madaama uu qeyb ka yahay sida caadiga ah waxyaabaha dhaca ciyaarta inta aysan bilaaban.”
Tababaraha QPR Mark Hughes ayaa arintaasi kala hadlay Ferdinand, waxaana uu sheegay inay kooxdiisa u hogaansami doono go’aanka Premier League.
Hughes ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Waxaa jira doodo badan oo ku aadan isgacan qaadka mar kasta oo aan la ciyaareyno Chelsea.
“Waan ixtiraami doonaa isgacan qaadka hadii ay tahay waxa la inoola sheegay inay dhici doonaan. Go’aankeyga ma ahan, waana u hogaansami doonaan Premier League go’aankooda.
“Waxaan wadahadal la lahaa Anton oo aan kala hadlay arintaas, lakiin wixii aan ku hadalnay sir ayay inoo tahay.”
Tababaraha Chelsea Roberto Di Matteo ayaa isna sheegtay in kooxdiisa ay diyaar u tahay inay isgacan qaad sameyso sidii la qorsheeyay.
Waxa uu u sheegay Sky Sports News: “Waxaan dooneynaa inaan ixtiraamno sharciyada iyo qawaaniinta u degsan Premier League, waxaana dooneynaa inaan tusaale u noqono malaayiinta naga daawaneysa guud ahaan caalamka.”