
Mahadka ayaa baaritaanka uu Yurub ka sameeyay waxa uu ku ogaaday in 11.9 milyan oo taageeraal kubada cagta ah oo yurub ah kana baxsan Spain ay taageeraan kooxda Barcelona, waxaana labo jibaar in ka badan taageerayaasha kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid ku leedahay meel ka baxsan Spain oo Yurub ah.
Kooxaha Man United iyo Chelsea ayaa iyagana soo raaca oo yurub ku leh 2 milyan oo taageerayaal ah kooxdiiba, marka laga reebo taageeraaasha ay England ku leeyihiin.
Boqolkii 11 ee taageerayaasha ajaaniibta ah ee yurub waa kuwa raaca hadba xiddiga ay taageeraan halka uu aado. Cristiano Ronaldo iyo Didier Drogba ayaana u badan kuwa taageerayaashooda ay u raacaan koox kasta.
57 ginni ayaa celcelis ahaan kaga baxda taageer kasta oo taageera koox ajnabi ah, waxaaana lacagta taageerayaasha oo dhan ay sannadkii noqotaa 28 bilyan ginni.
In ka badan lacagtaas boqolkiiba 20 waxa ay ka soo xarootaa daawashada TV-ga ee lacagta lagu bixiyo, halka lacag aan ka yareyn ay iyadana ku baxdo taageerayaasha oo iibsada maaliyadaha original-ka ah ee kooxda ajnabiga ee ay taageeraan.
Boqolkiiba 60 taageerayaashaas reer yurub ee taageera kooxaha ajnabiga waxa ay kooxdooda ku doortaan soo jiidashada qaab ciyaareedkeeda, waana sababta Barcelona ay ugu badan tahay taageerayaasha ay ku leeyihiin Yurub ee ka baxsan Spain.
Baaritaanka ay sameysay European Bussiness School waxaan ka soo xiganay majalada FourFourTwo cadadkeeda lagu daabaco wadamada Malaysia iyo Singabore.