
Warbixin la soo dhigay website-ka Inter ayaa lagu sheegay in qoyska Moratti ay weli xukumi doonaan Inter Milan. Warbixintaas laguma soo qorin lacagta ku baxeysa heshiiskaan iyo weli inta uu la egyahay saamiga ay kooxda ka iibsanayaan.
Inter ayaa sidoo kale sheegtay inay heshiis la gashay shirkada dhismaha China Railway Construction Corporation si ay u dhisaan garoonkooda u gaarka ah, kaasoo la dhameyn doono 2017.
Kooxaha Serie A ka dhisan ayaa haatan isku dayaya inay dhistaan garoonkooda u gaarka ah islamarkaana ay ka guuraan garoomada ay wadaagaan ee ay leedahay dowlada hoose.
Juventus ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee Serie A ee dhisata garoon casri ah oo iyada u gaar ah, waxaana ay ka saacideysaa inuu kobco dhaqaalaheeda.