
Marco Devic ayaa u maleeyay inuu u barbareeyay Ukraine goolkaasoo ka caawin lahaa inay soo gaaraan wareega sideeda lakiin garsoorayaasha reer Hungary ayaa tilmaamay inay ciyaarta sii socoto ka dib markii uu kubada bixiyay daafaca England John Terry.
Muuqaalo ku celis ah oo la daawaday ayaa soo jeedinaya in kubada ay dhaaftay xariiqda goolka, waxaana Ukraine ay ku baxeen iyagoo careysan, halka England ay qiratay inay nasiib ku lahaayeen inaan goolkaas la ogolaanin.
Tiknoolooyida xariiqda goolka ayaa la filayaa in si rasmi ah loo ansixiyo 5ta July marka ay kulmaan guddiga sharciga ka bedela kubada cagta ee IFAB.
Blatter ayaa u isticmaalay bogiisa Twitter inuu ku taageero fekradaas:
“Ka dib ciyaartii xalay, teknooloojiyada xariiqda goolka waa lagama maarmaan” ayuu qoray madaxweynaha FIFA.
Waxaana xalay cadaadatay sidoo kale inaysan shaqeyneynin qorshaha UEFA ee ah in labo garsoore kale la dhigo goolka gadaashiisa, lakiin iyaga laftooda xalay waa ay guuldareysteen.