
20 jirkaan oo haatan ku sugan England oo uu kala qeybqaadanayo xulka Brazil tartanka kubada cagta ciyaaraha Olimbikada ayaa sheegtay jimcihii inuu tijaabada caafimaadka u maray kooxda ka dhisan Stamford Bridge, lakiin uu dib u dhigi doono go’aan kasta uu ku saabsan mustaqbalkiisa ilaa iyo dhamaadka ciyaaraha Olimbikada.
Si kastaba, haatan ayay u muuqataa in heshiiska uu gabagabo ku dhowyahay, iyadoo madaxweynaha Internacional Luigi uu sheegaytay in heshiiska afka ah ay gaareen labada kooxood.
“Waxaa jira heshiis dhanka afka ah oo dhexmaray labada dhinac. Lakiin waa inay saxiixnaa, qareenada labada kooxood ayaana taas kala wada hadli doona” ayuu madaxweynaha u sheegay Radio Guiaba.
Oscar ayaa kaga soo biiray Internacional kooxda Sao Paulo 2009kii, waxaana uu dhaliyay seddexleey finalkii xulka Brazil ee da’dooda ka soo hooseysa 20 jirada ay kaga qaadeen koobka adduunka juunyeerada xulka Portugal.