
Ciyaaryahanka reer Brazilk ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo La Liga ka dib koobka adduunka ee 2014 lakiin madaxweyne ku xigeenka Blaugrana Josep Maria Bartomeu ayaa dhawaan qirtay in Catalans ay jeclaan laheyd inay la soo wareegto Neymar ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.
Si kastaba, Ribeiro ayaa sheegtay in dhigiisa Barcelona Sandro Rosell inuu ka dheregsan yahay in kooxdiisa aysan haatan iibin doonin Neymar.
“Neymar waa ciyaaryahan aan caadi aheyn, waan hubaa qaab ciyaareedkiisa olimbikada in sannadkan uu ka mid noqon doono seddexda ciyaaryahan ee adduunka ugu sareysa – mana iibin doono” ayuu madaxa Santos u sheegay Mundo Deportivo.
“Sandro Rosell waa nin caqli badan, waxaana uu heystaa warbixin ku filan oo arintaan ku aadan si uu uga fogaado inuu waqtiga isaga lumiyo inuu la hadlo Neymar”
“Neymar inuu naga tago ka hor 2014 waa wax aan macquul aheyn”.