
Sida laga soo xigtay jariirada El Economista, madaxa kooxda Los Che ayaa ku balansanaa inuu la fariisto agaasimaha Isboortiga Blaugrana Andoni Zubizaretta iyo madaxweyne ku xigeenka Josep Mario Bartomeu, waxaana goobta balanta ay aheyd shalayto baar ku yaala Barcelona.
Si kastaba, goobta uu kulanka ka dhici lahaa oo sir aheyd ayaa waxaa ogaaday saxaafada, waxaana Llorente uu diiday inuu kulanka dhaco iyadoo goob joog ay tahay saxaafadu.
Ilaa iyo haatan lama ogo xilliga kulanka uu dhici doono iyo goobta uu ka dhici doono, lakiin waxaa la rumeysan yahay in Barca ay weli dooneyso inay soo gabagabeyso saxiixa ciyaaryahanka ka hor inta aysan xulka Spain ciyaarin kulankooda ugu horeeya ee Euro 2012 axada.
Labada kooxood ayaan weli isku raacin lacagta lagu iibsanayo daafaca bidix kaasoo weli qandaraasiisa Mestalla uu uga harsan yahay seddex sanno.
Barca ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay 11 milyan euro ka bixiso Alba, kaasoo mustaqbalkiisa ciyaareed ka bilaabay Blaugrana, lakiin Valencia ayaa ku dhegan inay ku hesho 15 milyan euro.