
Tababaraha City Roberto Mancini ayaa raadinaya daafac cusub ka dib markii Micah Richards la sheegay inuu garoomada ka maqnaanayo muddo 10 isbuuc ah.
Kooxda ayaa dhanka daafaca ciyaaryahan yari ay ka heysay ka hor inta uusanba Richards ku soo dhaawacmin ciyaarihii Olimbikada, ka dib markii laga soo diiday dhowr dalab oo ay ku doonayeen daafaca Liverpool Agger, waxa ay haatan iyadana laga soo diiday dalab 30 milyan ginni ah oo ay ku doonayaan daafaca reer Brazil Luiz sida laga soo xigtay The Sun.
25 jirkaan ayaan ku jirin xalay kooxdii Chelsea ee 4-2 kaga badisay Reading, iyadoo ciyaaryahanka uu dhaawaciisa jilibka uu ku sheegay bogiisa Twitter saacado ka hor inta aysan ciyaarta bilaaban.
Ciyaaryahanka ayaa lagu ganaaxay isticmaalkiisa shabakada bulshada ee uu ku sheegay warkiisa dhaawaca, taasoo loo arkay inuu fursad siiyay Reading saacado ka hor ciyaarta inay ogaadaan inuusan ciyaarin karin. Tababare Di Matteo ayaana yiri: “Shabakadaha bulshada waa kuwa dhamaanteen nagu xeeran. Waxaana u qaabili doonaa si gudaheena ah.”.
Luiz ayaa Chelsea kaga soo biiray Benfica isagoo kooxdaasi kaga soo tagay 2011kii adduun lacageed oo gaaraya 24 milyan ginni.