
Balotelli ayaa dhacdooyin kala duwan oo la keydiyay ay soo martay tan iyo intii uu City kaga soo biiray Inter Milan 2010kii. Ciyaaryahanka Talyaaniga ayay isku dhaceen saaxiibadiisa uu la ciyaaro, waxa uu walxo mudac ah ku tuuray ciyaartoyda akadeemiga, waxaana uu buleer ka dhex shiday suuligiisa.
Mar la weydiiyay hadii uu 22 jirkaan Balotelli noqon karo ciyaaryahan ay kuwa da’da yar ku dayan karaan, Marwood ayaa yiri:
“Waxaan qabaa inay muhim tahay in tusaale fiican aad sameyso.
“Waxaan qabaa inaad dhamaantiin garan kartaan cida aan ka hadlayo, waxaa jira ciyaaryahan kooxda jooga oo aan soo bandhigin dhaqan hagaagsan iyo dabeecad fiican.”
Waxa uu intaas ku daray: “Laakiin guud ahaan waxaa heysano ciyaaryahano fantastik ah.
“Waxaan fiiriyaa Pablo Zabaleta, Vincent Kompany, Joe Hart, Gareth Barry, Joleon Lescott. Waxaan heysanaa ciyaaryahano badan oo u fekera una dhaqma sida saxan. Waana inaad hubisaa inay yihiin ciyaaryahano lagu dayan karo.”