
Taas ayaana micnheedu yahay in hadii Ibra uu usoo dhaqaaqo Etihad Stadium uu noqon doono ciyaaryahanka ugu mushaarka badan English Premier League.
Laakiin waxaa loo badinayaa inaysan macquul noqon doonin in ciyaaryahanka reer Sweden laga dhaadhiciyo inuu u dhaqaaqo England, madaama uu ku riyaaqayo qandaraaskiisa AC Milan.
Waa isku daygii labaad ee Mancini uu doonaayo inuu Eithad ku keeno weeraryahankii hore ee kooxaha Barcelona, Juventus iyo Inter Milan isagoo hadda maskaxda ku haya inuu mar kale la midoobo Zlatan Ibrahimovic.
Mancini ayaa 22 million oo gini kula soo saxiixday Ibrahimovic 2006dii markaasoo uu macalin u ahaa Inter, Wuxuuna hada diyaar u yahay inuu mar kale u jebiyo Bankiga Man City.