
Garcia oo 25 jir ah ayaa buuxin doona booskii uu ka tagay De Jong oo ku biiray AC Milan, inkastoo uu sidoo kale uu ka ciyaari karo daafac dhexe.
Ciyaaryahanka reer Spain ayaa boos joogta ka heystay Benfica ka dib markii uu kaga soo biiray Real Madrid 2009kii, isagoo u dhaliyay lix gool 73 kulan oo uu saftay.
Garcia ayaa u xiran number 14 kooxda Manchester City.
Daafaca midig ee reer Brazil Maicon ayaa isna kaga soo biiray Manchester City kooxda Serie A ee Inter Milan heshiis lagu sheegay 4 milyan ginni.
Waxa ay sidoo kale Manchester City la soo wareegtay ciyaaryahankii kooxda Swansea City ee garabka ka ciyaara oo ah ciyaaryahan da’da yar Scott Sinclair waxaana ay kula soo wareegeen heshiis aan la shaacinin.
Halka Matija Nastasic uu kaga soo biiray Fiorentina, waxaana ay goolhaye Richard Wright ay ku soo qaadeen beeca xorta ah.
Kooxda Liverpool ayaa suuqa kala iibsiga ku dhameysatay iyadoo aan la soo wareegin wax ciyaaryahana ah, tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa filayay shalay gelinkii hore inuu ugu yaraan soo xerogelin doono labo ciyaaryahan oo weerar ah.
Lakiin iyagoo awoodooda isagu geeyay inay soo xerogeliyaan Clint Dempsey ayaa waxaa ka afduubatay kooxda Tottenham oo ku wareegtay 6 milyan ginni, isagoo u saxiixay heshiis seddex sanno ah.
Liverpool ayaa maalintii ugu danbeysay suuqa waxaa amaah uga tagay ANdy Carroll oo ku biiray West Ham, Jay Spearing oo amaah lix bilood ah ugu biiray kooxda Bolton iyo Charlie Adam oo ay 4 milyan ginni si toos ah uga iibiyeen kooxda Stoke City.
Arsenal ayaa iyadana ka dhex muuqan shalay suuqa kala iibsiga iyadoo la filayay in Wenger uu soo iibsanayo ugu yaraan hal ciyaaryahan kale, waxaana ay u muuqataa in Wenger uu ku kalsoon yahay kooxda uu haatan heysto iyo ciyaartoydii uu la soo wareegay xagagan ee Giroud, Podolski iyo Cazorla.
Lakiin waxaa amaah kaga tagay ciyaaryahanka reer Korea Park oo ku biiray Celta Vigo iyo Nicklas Bendtner oo ku biiray kooxda Juventus.
Dhanka Chelsea waxaa ka tagay daqiiqadii ugu danbeysay ciyaaryahan Michael Essien oo si amaah ahaan ah ugu biiray kooxda Real Madrid.
Halka Thorgan Hazard ay isagana ku fasaxeen amaah hal sanno ah isagoo u ciyaari doona koox ka dhisan dalka Belgium.
Ciyaaryahankii Manchester United Dimitar Berbatov oo qabsaday suuqa kala iibsiga maalmihii u danbeysay ka dib markii uu heshiisyo la galay dhowr kooxood teedana ka baxay ayaa ugu danbeyn caga dhigtay Fulham.
Tottenham oo la soo wareegtay Clint Dempsey ayaa sidoo kale waxa ay soo xerogelisay goolhayihii kooxda Lyon Hugo Lloris oo ay kula soo wareegeen heshiis 8 milyan ginni ah oo noqon kara 12 milyan ginni isagoo u saxiixay 4 sanno.
Dhanka Talyaaniga heshiisyadii dhacay waxaa ka mid ah AC Milan oo la soo wareegtay Nigel De Jong kaasoo qeyb ka ah kooxda Milan ee Bologna la ciyaareysa isbuucaan.
Kooxda Juventus ayaa iyadana amaah kula soo wareegtay Nicklas Bendtner oo hal xilli ciyaareed amaah kula joogi doona.
Ciyaaryahankii kooxda Roma Marco Borriello ayaa ku laabtay kooxdiisii hore ee Genao, Halka Genao uu ka tagay Alberoto Gillardino oo ku biiray kooxda Bologna.
Ciyaaryahankii aadka loo qiimeyneyay ee Gaston Ramirez ee kooxda Bologna ayaa isna ku biiray kooxda Ingariiska ee Southampton.
Luca Toni ayaa isna ku laabtay kooxdisiii hore ee Fiorentina.
Dhanka Spain kooxaha waa weyn dhaqdhaqaaqa sidaas ah ma aysan sameynin Real Madrid ayaa amaah ku soo qaadatay Michael Essien oo bedel u noqonaya Lass Diarra oo ku biiraya kooxda Russia ee Anzhi Makhchkala.
Ciyaaryahanka Valencia Pablo Hernandez ayaa isna ku biiray kooxda Swansea.
Malaga ayaa amaah kula wareegtay Santa Cruz, iyo iyagoo si joogta ah u la wareegay Saviola.