
United ayaa dagaal adag kala kulmi doonta kooxda reer Spain ee Bareclona kaas oo
la xiriira lasoo saxiixashada xidiga daafaca garabka bidix uga ciyaara kooxda
Valencia Jordi Alba sida ay qoreyso Daily Mail.
Warbaahinta
Spain ayaa sheegaysa in kooxda ka dhisan Gobolka Catalan ay xiiseyneyso inay
lasoo saxiisato Alba. Laakin Sir Alex Ferguson ayaa si gaar ah isha ugu haya
ciyaaryahanka isagoo u arka bedelka waqtiga dheer ee Patrice Evra.
Jordi
Alba ayaa lagu sheegaa mid ka mid ah difaacyada garabka bidix ka ciyaara ee
dunida ugu wanaagsan isagoona soo jiitay indhaha kooxaha ugu waaweyn yurub.
Lakiin
wararka ay tabineyso jariirada Isbaanishka ee Sport ayaa sheegaya in agaasimaha
Isboortiga Valencia Braulio Vazquez inuu diyaar u yahay in Barcelona ay u soo
dhawaato xiddigooda, isagoo filanaya in mustaqbalka dhow ay soo dalban
doonaan.
“Waxaan
filayaa in Barcelona ay dooneyso maxaa yeelay waa ciyaaryahan kasoo jeeda
gobolka Catalan kana ciyaara garabka bidix” ayuu yiri Vazquez.
“Sida
iska cad waxaan kahadleynaa ciyaaryahan heer sarre ah, waana wax iska caadi ah
in Barcelona ay dooneyso inay la saxiixato” ayuu hadalkiisa ku koobay