
Thiago ayaa lagu soo waramayaa inuusan ku faraxsaneyn waqtiga yar ee uu fursada u helayo inuu u ciyaaro Barca madaama uu ka danbeeyo ciyaartoy sida Xavi iyo Cesc Fabregas.
Waxaana bixitaanka tababare Pep Guardiola ay keentay in 21 jirkaas uu dib uga fiirsado mustaqbalkiisa Nou Camp.
Kooxda Serie A ka dhisan ee AC Milan ayaa hore u sheegtay inay xiiseyneyso ciyaaryahankaan lagu qiimeeyo 21 milyan ginni.
Lakiin Milan ayaan u muuqan madaama ay iska diiday dalab ahaa lacagtii ugu badneyd ee difaac lagu iibsado oo ay PSG ku soo dalbatay Thiago Silva.