
Sir Alex Ferguson ayaa doonaya inuu inoo xoojiyo oo uu dhiig cusub ku soo darro qadkiisa dhexe, halka sidoo kale uu raadinayo bedelkii Patrice Evra.
Lakiin sida Mail on Sunday ay qortay tababaraha United ayaa ka biyo diidsan inuu bixiyo 32da milyan ginni ee ay Tottenham ku dooneyso Modrid, ama 20ka milyan ginni ee ay Everton iyo Newcastle ku doonayaan Baines iyo Tiote.
“Waxaan wax ka weydiinay xaalada seddexda ciyaaryahan kooxahooda” ayuu qirtay xubin ka tiran United oo aan la magacaabin oo ay soo xigatay Mail on Sunday.
“Lakiin Sir Alex Ferguson diyaar uma ahan inuu bixiyo lacagahaas waalida ah” ayuu hadalkiisa raaciyay qofkaas u hadlay jariirada maalinta axada soo baxda ee ay leedahay Daily Mail.
Ferguson ayaa u ambabaxay fasaxiisa sannadlaha isagoo tagay koonfurta France, waxaana uu sugi doonaa ilaa iyo inta uu ka fiirsanayo fursadaha kale ee u banaan ee uu dib ugu soo dhisi karo United.