Ciyaaryahankii hore ee Fulham ayaa rajo ka qabay inuu ka qeyb qaato ciyaaraha Euro markii Roy Hodgson loo magacaabay tababaraha xulka qaranka England.
Si kastaba, 22 jirkaan ayaa haatan u muuqda inuu xagaaga oo dhan dhaawac ku maqanaan doono ka dib markii uu Sir Alex Ferguson ku xaqiijiyay shirkiisa jaraa’id ee maanta.
Waxa uu u sheegay suxufiyiinta: “Chris waxaa soo gaaray dhaawac xun. Waa dhaawac muruqa ah waxaana uu seegi doonaa ciyaaraha Euro”
“Waxaan qiimeyneynaa waxa aan sameyn karno haatan, lakiin waa dhaawac xun”
Ciyaaryahanka Old Trafford ka xamaashada ayaa seddex kulan u saftay xilka qaranka England, waxaana uu rajo ka lahaa in lagu soo daro xulka England ee ka qeybgalaya Euro 2012.
16ka May oo ah seddex maalmood ka dib marka Premier League uu soo dhamaado ayaa la magacaabi doonaa xulka England ee uga qeybgalaya ciyaaraha Euro 2012 ee ka dhacaya Poland iyo Ukraine.
Maqnaanshaha Smalling ayaa fursad fiican waxa ay siineysaa daafacyada kale Phil Jagielka, Gary Cahill, Phil Jones iyo Joleon Lescott.