
Qoyska Glazer ayaa 75 milyan ginni jeebka ka gashtay saamiyadii Manchester United ay ku iibisay jimcadii suuqa saamiyada New York Stock Exchange, lakiin waa in ka yar 30 milyan ginni intii markii hore la filayay.
United ayaa ka iibineysa dad weynahay 16.6 milyan saami u dhigma lahaanshaha boqolkiiba 10 ee kooxda, si kasta waxaa la filayay in saami kasta uu qiimahiisa noqonaya 10 ginni ilaa 13 ginni lakiin waxa ay ku bilowdeen qiimo ah 9 ginni saami kasta.
Glazers waxa ay filayeen in iyaga iyo United ay kala qeybsan doonaan 210 milyan ginni. Lakiin taas bedelkeeda waxa ay haatan guud ahaan heleen 150 milyan ginni oo kala bar ay qaadanayaan Glazers halka 75 milyan ginni ee soo haray lagu bixin doono deynta kooxda lagu leeyahay.
Waxaan Gill uu aaminsan yahay in Manchester United ay sii wadi doonto kobaceeda inkastoo ay niyadjab kala kulmeen suuqa saamiyada ee dalka Mareykanka.
“Si buuxda ayaan u fahamsanahay, si buuxda ayayna u fahamsan yihiin milkiilayaasha in waxa ka dhaca garoonka inay muhim inoo tahay, waxaana hubin doonaa in lacag ku filan loo helo in kooxda lagu maalgeliyo oo hore loogu soo dhaqaajiyo” ayuu yiri Gill.
“Heerka deynta ee aan ku jirno tan iyo intii ay iibsadeen wax saameyn ah kuma aysan yeelan koox ahaan waxa aan sameynay”.
“Waxaan ku guuleysanay mudadaas afar horyaal, seddex jeer ayaan final Champions League gaarnay, guulo badan ayaan ku gaarnay garoonka”.
Taageerayaasha United ayaa ka careysan deynta faraha badan ee gaareysa 437 milyan ginni ee ay geliyeen kooxda milkiilayaasha Mareykanka, waxaana ay ka soo horjeedeen talaabadii ugu danbeysay ee ay qaadeen Glazzers, iyagoo diidanaa inay kala bar faa’idada qaataan Glazzers iyagoo doorbidayay in lacagta ka soo wada xaroota suuqa saamiyada in lagu yareeyo deynta lagu leeyahay kooxda.