
Shabakada Goal.com ayaa ogoaatay in kooxda ka dhisan Old Trafford inay raadineyso ciyaaryahan u dhigma xiddiga Sao Paulo, iyadoo kooxda Sao Paulo ay ciyaaryahankeeda ku dooneyso 30 milyan ginni, lakiin waxa ay ka warqabaan inay Sahin ku heli karaan lacag intaasi ka jaban.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Turkiga ayaan boos joogta ah ka heysan haatan Santiago Bernabeu ka dib markii uu xagaagii hore kaga soo biiray Borussia Dortmund, waxaana dilooday dhaawac iyo qaab ciyaareedkiisa oo lumay.
Jose Mourinho ayaa doonaya inuu fursad fiican siiyo Sahin kulmada saaxiibtinimo ee ka horeeya xilli ciyaareedka soo socda, si uu Sahin u cadeeyo hadii uu u qalmo inuu boos ka helo Los Blancos, lakiin Madrid ayaa u furan sidoo kale inay texgeliyaan hadii dalab uu u yimaado ciyaaryahanka.
Bayern Munich iyo Galatasaray ayaa isbuucyadii u danbeysay lala xiriirinayay Sahin, halka Tottenham ay iyadana dooneysay inay geyso White Hart Lane si uu qeyb uga noqdo heshiiska la filayo inuu Luka Modric ugu biiro Real Madrid, lakiin qorshahaas waxaa ka soo horjeestay 23 jirkaan.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa bishii May cadeeyay inuusan dooneynin inuu ka tago kooxda ka dhisan caasimada Spain isagoo markaas yiri: “Waxaan aad u doonayaa inaan halkaan guulo ku gaaro, oo aan qiimaheyga tuso Madrid. Riyadeyda ayaan kula noolanayaan kooxdan”.
Si kastaba, iyadoo laga yaabo in Luka Modric uu kooxda ku biiro, waxa ay sii keeni doontaa in doorashada khadka dhexe ee macalin Mourinho inuu ka sii dhaco Sahin, waxaana laga yaabaa in ciyaaryahanka uu dib uga fiirsado mustaqbalkiisa iyadoo United ay siin karto boos joogta ah