
Arsenal ayaa goolka la hormari kartay kadib markii Walcott iyo Jenkinson ay u soo dhowaadeen goolka City balse City ayaa ku ciqaabtay kubado dhinac la soo dhigey kahor dhamaadkii qeybtii hore.
Yaya ayaa dhisey goolkii koowaad markaa oo uu Zavaletana dhaliyey gool ka dhashay meel gees ah oo goolka Arsenal ah.
Markii uu Kolorov xoog iyo orod ku dhaafay ciyaartoyda Arsenal ayuu kubbad gudub ah u dhigey Yaya oo isagana u faa’ideyey goolna ka dhigey.
Iyadoo roob da’ayay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa Arsenal waxa ay bilowday in ay xukunto garoonka waxaana Oxlade-Chamberlain oo bedel ku soo galay uu garaacay biraha.
Iyadoo indhaha caalamka maanta oo dhan ay ku sii jeedeen magaalada London oo tartanka Olymbikada uu ka furmayo ayaa hadana garoonka Bird Nest Stadium waxa uu dad badan soo xusuusiyey afar sano kahor wacdarihii ka dhacay markii lagu qabtay tartanka Olymbikada.