
ee saaxiibtinimo ee ay la ciyaareen Dynamo Dresden, lakiin walaaca rasmiga ah
waxa uu ku aadan yahay kabtankooda Vincent Kompany oo dhaawac kaga baxay
garoonka bartamihii qeybta hore ee ciyaarta.
Kompany, oo Barclays ay u magacowday ciyaaryahankii ugu fiicnaa Premier
League xilli ciyaareedkii hore ayaa dhaawac kaga baxay garoonka, waxaana
bedelkiisa laga yaabaa inay sabab u tahay feejignaan laga muujinayo kale.
Kulanka laftiisa ayaa ahaa mid aan soo jiidasho laheyn, iyadoo kooxda heysata
horyaalka Premier League ay ku guuldareysatay inay shabaqa ka soo taabato koox
ku dhameysatay kaalinta 9aad ee Bundesliga 2.
Waana bilow niyadjab ah ciyaarahan ay isagu diyaarinayaan xilli ciyaareedka
cusub, ka dib markii ay guuldarro 1-0 ay ka soo gaartay kooxda Saudi Arabia Al Hilal isbuucii hore.
Ciyaarta saaxiibtinimo ee soo socta ee ay City ku ciyaari doonto Austria waxa
ay ka horimaan doonaan jimcaha kooxda Turkiga ee Besiktas