
City ayaa sheegtay inaysan wax dalab ah u gudbin Barca hadana aysan qorshaha ugu jirin inay labadaas ciyaaryahan dalbadaan.
Warar soo baxayay ayaa sheegayay in City ay la xiriirtay kooxda ka dhisan Spain iyadoo kala hadashay suurtogalnimada inay heli karaan ciyaaryahankii hore ee Arsenal Fabregas iyo Busquets oo kulankii sii 50aad u saftay xulka dalkiisa Spain ciyaartii ay barbaraha 1-1ka ku kala baxeen France.
Si kasta ha ahaatee kooxda ka dhisan dalka Ingiriiska ayaa sheegtay inaysan wararkaas waxba ka jirin isla markaana aysan dooneyn ciyaaryahanadaas reer Spain.
War rasmi ah ayay kooxda City ku sheegtay: ” Wax sal ah malahan wararkaas kooxduna marnaba ma dalban mana qorsheyneyso inay dalbato ciyaaryahanada kooxda Barcelona.”
City ayaa qadkeeda dhexe dhowaan ku soo xoojisey Javi Garcia oo ay ka soo iibsatay Benfica inkastoo uu Nigel de Jong uu u wareegay Milan.
Fabregas ayaa ka tegey kooxda Arsenal xaggaagii 2011kii isagoo ku biirey Barcelona markii laga bixiyey lacag gaareysay 23.5 million pounds, Hase ahaatee Busquets ayaan meelna ka aadin kooxda Barca isagoo ku soo biiray kooxda da’ yarta sanadkii 2005tii.